Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galabeed ayaa waxa soo wajahay labo culays oo kala daran kaas oo midkii ay doortaanba uu ku soo dhamaanayo joogitaanka Madaxweyne Cabdicasis Laftagareen:
1) Ogolaasho waqti kordhinta Madaxweyne Laftagareen
Iyaga oo fiirinaya xaalada siyaasadeed ee dalku ka jirta iyo saameynta uu Madaxweyne Laftagareen ku leeyahay siyaasada dowlad Federaalka, iyo tan Dowlad Goboleedyada , waxa ay mucaaradku ku qasban yihiin in ay candhuurtooda gadaal u liqaan oo oo ay ogolaadaan in Madaxweyna Laftagareen uu sii joogo hal sano, inta uu jogana uu deeganka Koonfur Galbeed uu u diyaariyo doorasho loo dhan yahay.
Qaban qaabada doorashadaas ayaana u baahnaan doonto ugu yaraan sideed bilood ee soo socoto. Howlaha la qaban doonana waxaa kamida soo xulida xildhibaanada cusub oo soo dooran doona madaxweynaha soo socda.
Talaabadan ayaana waxa ay fursad u tahay Laftagareen oo helayo hal sono oo uu isugu diyaarsho in isaga dib loogu soo doorto.
Hadii mucaaradku ka horyimaado ku darsashada MW Laftagareen, Laftagareen waxa uu qaadayaa talaabada xigtaa oo rajadii Mucaardka god dheer ku ridayso.
2) In Mucaarka oo ogolaado in doorasho deg deg ah la qabto, baarlamanka joogana madaxweynaha soo doorto
Hadii Mucaaradku diido in Madaxweyne Laftagereen uu dhameeysto sanadkii uu ku darsaday, Laftagareen waxa uu ku dhawaaqi doonaa inuu mudo bil gudaheed ah uu doorasho ku qaban doono, iyada oo baarlamaanka hada joogaana, kaas oo aan wali lahaynin gudoomiye uu soo doorto madaxweynaha soo socda.
Madaama Laftagareen isku haysto lacag iyo awoodii deegaanka, waxaan shaki jirin in Xildhibaanda hada jooga oo ah kuwa uu Laftagreen si gaara u soo xushay, afartii sano ee la soo dhaafayna uu isagu gacanta ku hayay in ay isaga soo dooran doonaan.
Xildhibaan loo balan qaaday kiiba $30,000, looguna bishaareeyay inuu shan sano (5) ee socotaa joogi doono, shaki kuma jiro inuu Laftagareen indho la’aan ku dooran doonaan.
Labada arimood ee kor ku xusan waxa ay caqabad ku noqon doonaan mucaaradka ku mideysan madasha Midowga Musharaxiinta kuwaas oo aan gacanta ku hayanin, awood siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ay kaalmo kaga helyaan dowlada federaalka uu ay ka go’an tahay in ay Lagtagareen ku hayso Baydhabo.
Ugu danbeeyntii, sadax dowlad goboleed ayaa waxa ay ku darsadeen waqi kordhin dheeraad ah, maxaa keenay in diirada lagu saaro Koonfur Galbeed oo kali ah. Arintaan waxa ay dareen galineysaa shacabka reer Koonfur Galabeed iyo xildhibanadooda. Iyaga talabaadan u arakaya in tani tahay dagaal si gaara loogu qaadayo Madaxweyne Laftagareen iyo shacabka reer Koonfur Galbeed.