Midowga Afrika oo Sare u qaadaya dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Hawlgalka midowga afrika ee Amisom ayaa sheegay in ciidamada Amisom ee ka tirsan kuwa kasoo jeeda dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ay sara u qaadeen dagaalka ay kula jiraan dagaalamyaasha al-Shabaab.

Nakibus Lakara, oo ah ku xigeenka taliyaha Amisom oo booqasho ku tagay qaar kamid ah xerooyinka milatari ee ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in Amisom ay diyaar u tahay sidii ay ciidamada dowladda kaga taageeri lahayd sidii ay wadankooda u difaaci lahaayeen.

“Ciidamada SNA waxa ay u baahanyihiin in laga taageero sidii amaanka guud ee dalka ula wareegi lahaayeen, taasina waa qorsha xaaladda kala guurka oo ay ciidamada Amisom amniga dalka ugu wareejinayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Lakara oo sidoo kale booqasho ku tagay xarunta ugu wayn Amisom ee qaybta 4’aad taas oo ay maamulaan ciidamada Jabuuti oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya, ayaa ku amaanay dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab.

Booqashada taliyaha ee magaalada Beledwayne ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii uu booqasho ku tagay magaalada Jowhar halkaasi oo ku booqday ciidamada Burundi ee halkaasi ku sugan.