Midowga Afrika oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Saldhiga ATMIS ee Ceel Baraf

Reading Time: < 1 minute

Midowga Afrika ayaa cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday saldhig ay leeyiiin ciidamada Burundi ee ka tirsan Hawgalka ATMIS, kaas oo ku yaalla tuulada Ceel Baraf  Gobolka Shabeellada dhexe.

Bayaan uu soo saaray Guddoomiyaha Midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayuu ku sheegay inuu si adag u cambaareynayo weerarkan, isaga oo intaas ku daray in aysan dhacdadaas hoos u dhigi doonin go’aannada ciidamada ATMIS.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkaas oo ay ku tilmaatan in uu ahaa mid fool xun, iyadoo sidoo kale tacsi uga dirtay shacabka iyo dowladda Burundi waxyeellada kasoo gaartay ciidankooda.

Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale beesha caalamka ka codsaday inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee la dgaallanka Al-