Ururka Midowga Afrika ayaa war kasoo saaray weerarka wali ka socda Magaalada Nairobi ee ay qaadeen Ururka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Muusa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla galbeedka Nairobi.
Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika, wuxuu amaaan u jeediyay sida degdeg ah ay ciidamada Kenya uga falcelinayaan weerarka.
”Appalled by news of the attack on innocent people in #Nairobi today. The AU stands in solidarity and grief with the people&Govt of #Kenya in condemning this cowardly attack which underlines the need to redouble our efforts to combat terrorism on the Continent”