Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo kala dhex galaya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya hoostaga ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay gaaraan xubno ka socda Midowga Afrika iyo sidoo kale Midowga Yurub, si ay uga qeyb qataan dedaal la doonayo in lagu joojiyo dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

Labada qowmiyadood aya ku dagaalamay degaano badan oo uu Mooyaale ka mid  yahay , waxaana maalmihii ugu dambeeyay dagaal ka socday deegaanka Mooyaale ku dhintay in kabadan 10-qof oo ka mid ah Soomaalida halkaasi degto.

Xubnaha ka socda Midowga Afrika iyo sidoo kale Yurub ayaana ka qeyb qaadan doona si xal waara looga gaari lahaa dagaalka labada dhinac u dhaxeeya oo ah mid dhowr jeer dhacay.

Wararka ayaa inta ku daraya in meelaha lagu dagaalamay la geynayo Askar ka tirsan Millatariga Itoobiya si ay u kala dhex galan dhinacyada ay dirirtu ka dhaxeyso.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!