Midowga Africa oo muujiyay inay dhexdhexaad ka yihiin khilaafka Rooble & Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Midowga Afrika ayaa sheegay in aad uga walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Hadalka ka soo yeeray hogaanka Midowga Africa oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa  muujiyay inay dhexdhexaad ka yihiin khilaafka Rooble & Farmaajo

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa Madaxda ugu sarreysa dalka in xiisadda siyaasadeed ee ka dhaxeysa ay ku soo gaba gabeeyaan wada hadal.

“Waxaanu ku baaqayaa in la sii wado wada-xaajoodka iyo wada-hadalka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, si xal siyaasadeed loogu helo xaaladdan taagan” ayuu yiri Guddoomiye Faki.

Isga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Midowga Afrika ayaa mar kale ballan qaaday in uu sare u qaadi doono taageerada uu siinayo nabad waarta iyo siyaasadda xasilloon ee Soomaaliya”.

Midowga Afrika ayaa kamid ah ururda dowladda Soomaaliya ka taageera arrimaha Amniga, iyada oo ay hoostagaan ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!