Iyada oo kulankii Golaha Wadatashiga Qaran uu galayo asbuuciisii labaad ayaa waxa muuqato in uu jiro ismarin-waa la xiriira qodobada muhimka ah ee horay la isugu heystay.
Kulankii xalay ay yeesheen madaxda ka qaybgaleysa kulanka GWQ ayaa ku soo dhamaaday fashil ka dib markii lagu heshiin-waayay qodobo ay ku jiraan cida qabanaysa amniga dalka.
Maanta ayaa markale loo balansan yahay kulanka iyada oo ay muuqato in ay adkaan-doonto in ay ka soo baxaan go’aano lagu wada-qanacsanyahay ama xal u heli kara arimaha doorashada ee cakiran.
MW Saciid Cabdullahi Deni oo isagu ay saaran yiihin culaysyo siyaasadeed oo balaaran ayaa sheegay in uusan maalin dheeraad ah sii joogi karin shirka halka Lafta Gareen uu isna sheegtay arimo isaga u gaar ah.
Si hadaba uusan shirka fashil ugu dhamaanin niyadana aan shacabka looga jabin ayaa waxaana la filayaa in la soo saaro warmurtiyeed qiiq isku qaris ah laakiin ayan marnaba ahayn qorshada GWQ in ay fuliyaan ama ay meelmariyaan.
Warmurtiyeedka ayaa noqon doona mid lamida kii Dhuusamareeb 2 oo ahaa mid lagu qarinayay fashilka shirka. Waxaana cad in shirka lagu kala tagi doono iyada oo madaxda dowlad goboleedyadu ayan waxba ka badali doonin qorshahoodii boobka doorashada, laakiin ay qoraalka ku sheegi doonaan in ay ku heshiyeen in doorashada la dardar galiyo.
Hadabda su’aasha u baan in la isweydiido ayaa ah maxaa loo qabtay kulanka noocaan ah mar hadii aan wax isbadal muuqda aan lagus sameeyn doorashada ku socota wadada qaldan? Yaa aqbalaya natiijada doorasho aan raali laguwada ahayd?