Horjooge Xasan Warsame Cabdiraxmaan oo loo yaqaan Jabal iyo labo maleeshiyo ah oo la socota ayaa isku dhiibay Ciidamada deegaanka ee ka dagaalamaya bariga Gobalka Galguduud sida uu warbaahinta u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Baxdo Maxed Cabdulaahi.
Horjoogahaan ayaa ka mid ah kuwa muhiimka u ahaa Khawaarijta ka dagaalamaysa Galmudug waxaana ay qeyb ka yihiin tiro Maleyshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah uga soo baxayay safka Khawaarijta.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa hakad Ku jiray dagaalkii galmudug ku qaaday Al Shabaab lamana oga sababta balse axwaa guud ahaan deegaanada ee Al Shabaab ku suganyihiin laga xanibay gaadiidkii raashinka iyo badeecada gayn jiray halkaas.
Caasimada galmudug waxaa ku xayiran gaadiid farabadan oo raashin iyo agab kale u waday degmada Ceelbuur taas oo la diiday inay u ugubnaan Deegaanada ay Alshabaab Wali maamulayaan.