Mid kamid ah shaqaalihii Madaxtooyada Vill Soomaaliya ee shaqada laga eryay oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Aweys Cumar Cabdi oo u dhashay beesha Jareerweyne ahaana Xoghayaha xafiiska shaqadda iyo shaqaalaha ee Madaxtooyadda Villa Somalia oo ku jiray liiska shaqaalaha sida sharci daradda looga eryay shaqadoodii ayaa lagu dilay xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.

Sida ay wararka sheegayan Aweys ayaa ka irisanaa shaqaala madaxtooyada waxaana la sheegay in Fahad Yasin Haji Dahir oo ku tuhmay inuu bixiyay Dukumiintiga cadeeynaya liiska shaqaalaha Villa Somalia ee shaqadda laga eryay.

Allaha u naxariisto Marxuum Aweys Cumar caruurtiisa waxeey ku ciidayaan murugo iyadoo la hubo inuusan cadaalad heli doonin.

Aweys Cumar wuxuu Liiskaan uga jiraa Number-ka 66 laakiin xasuusnaada sharciga ma dhigayo in la eryi karo qof ka mida shaqaalaha rayidka, waxaa go’aankaas leh “Guddigga shaqadda iyo shaqaalaha” Sikastaba ha ahaatee,  Fahad Yasin dan kamma laha sharci , wuxuuna xaalkooda marayaa iney dilaan qofkasteey ku tuhmaan inuu ka haayo xog ama cambaareeyo hab dhaqankooda guracan.