Mid kamid ah ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka oo lagu dilay Muqdisho.

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhow oo Caawa ah lagu dilay Mid kamid ah ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Sacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Marxuumka la dilay oo lagu Magacaabi Jiray  Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay), ayaa dilkiisa waxa uu ka dhacay Xaafada Buullada ee ku toola Suuq Boocle korkiisa, Marxuumka waxaa la dilay xili uu ka soo baxay Salaadii Taraawiixda.

Goob Joogayaal ayaa inoo sheegay in dhalinyaro Bistoolado ku hubeysan ay qeybta sare ee Jirka ka toogteen Xasan Gaadaay, kuwaasoo usuura gashay iney goobta ka baxsadaan.

Ninka la dilay ayaa kamid ahaa ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo gashay Deegaanada Koofur Galbeed, si gaar ah waxa uu usoo doortay Gudoomiyaha Guddiga xeer hoosaadka Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuu Macalin Yaxye.

Si Kastaba, dilka Marxuumka ayaa ku soo beegmay iyadoo hortii isla Caawa Degmada howlwadaag lagu dilay gudoomiyhii Waaxda Saqaawudiin ee Degmada Howlwadaag.

Dilalka ka dhaca Caasimada ayaa mudooyinkan danbe ka yaraa Caasimada, waloow ay haatan umuuqato iney dib usoo laabatay.