Xildhibaan C/wali Macalin Maxamuud oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Galmudug islamarkaana ah gudoomiyaha Guddi hoosaadka baarlaamnka aya Guddoonka Baarlamaaanka Maamulka Galmudug ku eedeeyay in uu si sharci daro ah ku baajiyay kulamadii baarlamaanka Maamulkaas.
Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay guddoonka in ay caqabad ku yihiin qabsoomida kulamadii Baarlamaanka.
Waxa uu sheegay in fadhiyadii baarlaamanka ay ugu dambeysay xiligii xilka laga qaadayay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle, islamarkaana wixii xiligaas ka dambeeyay uusan dhicin wax kulan ah.
Xildhibaanka ayaa beeniyay in wax ka badal lagu sameynayo Dastuurka Dowladd Goboleedka Galmudug.