Mid ka mid ah Wasiiradii Lafta-gareen Magacaabay oo iscasilay 

Reading Time: < 1 minute

Cabdisalaan Cabdullaahi Yalaxoow (Catoosh) oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gaeen u magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka dhulka iyo Cirka ayaa ku dhawaaqay in uu xilkaa iska casilay.

Wasiir kuxigeenkii Gaadiidka dhulka iyo Cirka ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Catoosh  oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in sababta uu is ku casilay ay tahay in xilkaasi uu ku qance waayay,isla markaana beeshiisa  aysan u qalmin xilkaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Yalaxoow (Catoosh) in beesha uu ka soo jeeday ay filesyay Wasiir buuxa in ay ka helaan Golaha Wasiiradda cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Lafta-gareen.

Cabdisalaan Cabdullaahi Yalaxoow (Atosh) ayaa kamid ahaa Wasiir kuxigeenadii uu galabta ku dhawaqaay Madaxweynaha Koonfur Galbeed,hayeeshee waxa uu sheegay shaaciyay Caawa in xilkaasi uu Iska Casilay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!