Mid ka mid ah Salaadiinta kasoo Jeeda Soomaaliland oo Muqdisho Si Sharci Daro ah Ugu Xiran Iyo Senatarada oo Ku baaqay in!!!

Reading Time: < 1 minute

Suldaan Xaamud Suldaan Aadan Mataan oo ka mid ah Salaadiinta Kasoo Jeeda Gobolka Sanaag ayaa si Aan sharci Aheeyn Magaalada Muqdisho ugu Xiran mudo Dhowr Todobaad ah  ka dib markii uu isku Dayay in uu soo Damiinto shaqsi ay Qaraabo yihiin oo ku xirnaa Xarunta Dambi Baarista Ee CID-da loo yaqaan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Suldaan Xaamud Suldaan Aadan Mataan uu  CID-da u tagay Nin ay Xigto Yihiin oo la xiray ka dib markii ay Guri isku qabsadeen shaqsi kale,waxaana markii uu gaaray CID-da Lagu Wargaliyay Suldaanka in Qudhiisu yahay Xarig

Suldaan Xaamud Suldaan Aadan Mataan ayaa ka mid ah Salaadiinta kasoo jeeda Gobolka Sanaag waxuuna ka mid yahay Odayaasha Soo Xulay Xildhibaanadda Labada Golle Ee Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya.

Senatar Nuura Faarax Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanadda Aqalka Sare islamarkaana ka mid ah Xubnaha uu soo xulay Suldaan Xaamud Suldaan Aadan Mataan ayaa xaqiijisay Xarigga Suldaanka waxeeyna Codsatay in si Sharuud La’aan ah loosoo daayo Suldaanka

Waxaa ay Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ka Dalbatay in Xarigga iyo Handaada Waxushnimad ah Ee lagula kacaayo Dadka kazoo jeeda Soomaaliland in laga Fiirsado islamarkaana Cadaalada loo sinaado

Xildhibaanadda Iyo Odayaasha kazoo jeeda Soomaaliland ayaa inta badan lagu Tumtaa Xaquuqdooda iyo sidoo kale sharafka ay leeyihiin Waxaana tan iyo markii ay Curatay Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Lagula Kacay Falal Kala Duwan oo aan Wanaagsaneeyn

Suldaan Xaamud Suldaan Aadan Mataan ayaa sidoo kale ah shaqsi ay ku weeyn tahay Soomaalinimada iyo Ku Dadaalida Sidii mar kale loo Heli lahaa soomaaliweyn,Waana wax lagu xumaado in Xabsi aan sharci aheeyn lagu haayo Todobaadyo