Mid ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu dilay

Reading Time: < 1 minute

Alle ha u naxariistee Xuseen Abuukar Nuur oo ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa goordhow lagu dilay Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay Iridda Dekadda weyn Ee Muqdisho.

Dilka Xuseen ayaa waxaa geystay Askari ka tirsan Ciidanka Boliiska xilli uu marayay waddada sida ay sheegeen Dad goobta falku ka dhacay ka ag dhawaa.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay.