Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in Ciidamada Booliska ee ku sugan meel ku dhaw Koontaroolka Sayidka ee Magaalada Muqdisho, in ay rasaaseyen gaari noociisa uu yahay kuwa aan xabada karin ee loo yaqaan (Proof), kadib markii uu isku dayay inuu maro Koontaroolka iyadoo aanan la hubin.
Ciidamada ayaa gaarigaasi ku furay rasaas, waxaana ay sababtay rasaastaasi gaari in taayarada ay kaga dhacaan oo taayarada ay fariistaan, iyadoo wadaha gaariga markii la rasaaseeyay xittaa uu ka biyo diiday inuu soo dago.
Inta badan gaadiidka aan xabadaha Karin waxaa iska leh masuuliyiinta dowladda, iyo kuwa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Federalka Soomaaliya.