Mid ka mid ah Ergadii Soo doortay Xildhibaanadda Baarlamaanka oo Muqdisho Lagu Dilay

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubeysan ayaa Xalay fiidkii Xaafada Sarkuusta ee dulleedka magaalada Muqdisho ku dishay Allaha u naxariistee mid ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya.

Dadka dagan xaafada Sarkuusta oo Muqdisho Online la hadlay ayaa u sheegay in marxuumka la dilay uu ahaa gudoomiyaha Kaam ay dagan  yihiin dad Barakacayaal.

Goob joogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana goobta dilka uu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo halkaas howgal kooban ka sameeyay.

Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mida gobolada Dalka ayaa horay loogu dilay qaar ka mida Ergadii soo Dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!