MW Farmaajo ayaa horaanta asbuuca soo socda waxa uu ku beegan yahay magalaada Neyroobi ee dalka Kenya halkaas oo uu kula kulmi doono qaar ka mida madaxda dalka Kenya. Kulankaan oo uu in mudo ah codsanayay Farmaajo ayaa shalay la soo siiyayay ogolaasho ah in uu asbuuca danbe imaan karo dalka Kenya.
Kulankaan ayaa daba socda codsi uu horay ugu gudbiyay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta kaas oo salka ku hayo calaaqaadka ama xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Dowlada Kenya gaar ahaan Xidhibaanadda ka soo jeeda degaanka Soomalida degto ee dalka Kenya ayaa si isku duubni ah u taageersan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Asbucuii hore ayaa ah ahayd markii Madaxwenye Uhuru Kenyatta uu si aan leex leexad lahayn u sheegay in ciidanka Keynay ee Jooga Soomaaliya ayan ka bixi doonin Soomaaliya hadii xataa AMISOM ka baxdo Soomaaliya.Taas oo macnaheedu ahaa in Dowladda Kenya ayan marnaba ogaalaan doonin in Jubbaland noqoto goob ay dowladda Soomaaliya waxa ay doonto ka sameeyso.
Waxaa la filayaa in Dowlada Kenya isku keento labada dhinac ee Axmed Madoobe iyo MW Farmaajo oo ay ku kulmso magaaladda Neyroobi asbuca danbe. Dad badan ayaa waxa ay qabaan in kulankaas noqon doonin mid miro dhaliya madaama MW Famraajo ay ka go’an tahay in uu burburiyo qaabka Fedaraalka ee ka jira Soomaaliya.
MW Farmaajo oo horay ugu sheegan jiray in uusan marnaba ogaalaadoonin in wadamo shisheeye soo kala dhex-galaan isaga iyo dowladd Goboleedyadda ayaa waxa uu hadda ka fursan waayay in uu Dowladda Kenya ka codsado in ay soo kala dhex gasho isaga iyo Axmad Madoobe.