Meydkii taliyihii ay dileen ciidankii Haramcad oo wali qaboojiyo ku jiro &  Reer Hiiraan oo ka aamusan!

Reading Time: < 1 minute

Asbuuc ka hor ayaa ay ahayd markii ay ciidamadii  Haramcad oo ay soo direen Farmaajo iyo Fahad Yasin ay dharaar cad xafiiskiisa ay ku dhex toogteen  Taliyihii Ciidanka Booliiska ee magalaada Baladweyne, Laba Xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud Duur-jooge

Dilkaan oo ujeedadiisu ahayd in lagu cabsi galiyo shacabka reer Hiiraan, ayaa u muuqda inuu xaqiijiyay  qorshihii Farmaajo iyo Fahad Yasin. Meydii taliyaha oo talaajad ku jira iyo 19 qof oo ka tisan shacabka reer Baladweyne oo lagu dilay qarax abaabalan ayaa hadana meel fagaare ah waxa lagu doortay Fahad Yasin iyada oo aan xitaa laga tacsiyadeynin xasuuqii ka dhacay Baladwyne.

“Adeer Baladweyne waxa ay isku badashay xero ay ku xareeysan yihhiin  xoolo nool oo sidii laga yeelay!… Walaahi ma  jiro qof saakay ka hadli kara wixii ka dhacay Baladweyne.. Waa nala kufsaday, iga daa, tanoo kale ma filaynin inay nagu dici karto” Ayuu yiri Cabdi Kulmiye oo ciil la ilmaynaya, kana tirsan dadka ku gacasada Suuqa weyn ee magalaada Baladweyne.

Waxa uu intaas ku daray  “Siyaasiyiinteenii, aqoonyanahadii reer Baladweyne waxa ay ku soo dhamaadeen kuwa la iibsaday oo lacag la siiyay, qaar loogu goodiyay dil,  kuwa damiirlaawayaal ah oo dhiigii reer Hiiraan oo daadanaya hadana kuris raadinaya”.

Ma jirto in cid loo xiray xasuuqii ka dhacay Baladweyne  ama cid ku daba jirta dilkii fooosha xumaa ee lagu khaarijiyay Laba Xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud Duur-jooge. Waxa la isweydiinayaa yaa u maqan reer Hiiraan?