Meydka Ninkii weerarka ka geystay Jarmalka oo la helay

Reading Time: < 1 minute

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Magaalada Hanau ee Gobolka Hessen oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Magaaladaas ayaa waxaa ay kusoo heleen meydka Nin lagu tuhmayo in uu geystay toogashadii dadka lagu diley ee ka dhacdey Magaaladaas.

Sideed qof ayaa lagu dilay baar ku yaala Magaalada Hanau ee dalka Jarmalka,halka Shan kale lagu dhaawacay weerarkaas,sida ay sheegeen Booliska dalkaas.

Boolisku waxa ay sidoo kale sheegeen inay isla Goobtaas ka heleen hal Qof oo kale oo isna mayd ah.

Weeraradaas ayaa Ninkaasi waxa uu ka fuliyey laba Goobood oo kala ah Baar ku yaallaBartmaha magaaladaas Hanau ,halkaas oo lagu dilay 3 Qof, halka uu weerar labaad ka fuliyey Baar kale oo la yiraahdo Arena,halkaas oo uu ku toogtay 5 Qof taas oo ka dhigtay tiradda Dhimashadda 8 qof oo midkood Haween tahay & dhaawaca Shan kale,sida lagu sheegay War kasoo baxaya warbaahinta Jarmalkaba.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta leh Baararka la weeraray ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Jarmalka (Dpa) in uu aad uga xun yahay,isla markaana uu waayay saaxiibo badan oo uu yaqaanay.