Meydka Marxuun Yarisow oo maanta la keenayo Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wadooyinka magalaada Muqdishu ayaa intooda badan la xiray iyada oo la filayo in dhawan la keeno Meydka Gudoomiye Yarisoow.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan Guddiga loo xilsaaray Aaska Qaranka ee loo sameynayo Cabdiraxmaan Cumar Cismaan,waxaana Caasimadda ka socda qaban qaabada Aaskiisa.

Waxa la filayaa in madaxda ugu sareeysa dowladda iyo qoyska uu ka dhashay Yarsow  aya ka qeyb geli doona Aaska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho oo u geeriyooday dhaawac Culus oo kasoo gaaray qaraxii 24-ka Bishii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir xili uu socday Shir looga hadlayay amniga Caasimadda.

Shacabka Muqadishu ayaa dhankooda la filayaa in ay ka qayb ka galaan tacisada Allaha u naxariisto Eng. Yarisow.