Meydka Marxuum Yarisow oo la soo qaaday (Daawo)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa daqiiqada ka soo duulay magaalada Dooxa ee dalka Qatar diyaarad nooca millatariga ah oo sida meydka Marxuum Cabdiraxman Cumar Cismaan Yarisow oo maalintii Khamiista ee Bisha Ogoosto ay kowda ku geeriyada magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Eng. Yarisow aya u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir 24 bishii hore ee Juulay, kaasoo muddo siddeed maalmood ah uu ku jiray cisbitaal isaga oo aan dhimir lahayn.

Waxaa lagu wadaa in diyaaradda sida meydka ay soo cago dhigato garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho marka ay saacadda Muqdisho ku beegan tahay 8:45 daqiiqo.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa aaska qaran ee loo sameynayo Gud. hore ee gobolka Banaadir Eng Yariisow saacadaha soo socda hadduu allaha awoodda leh idmo

Halka hoose ka daawo sida loo soo qaaday meydka marxuumka