Home News Meeydka Mid ka Mid ah dadkii doontu la rogmatay oo la helay!

Meeydka Mid ka Mid ah dadkii doontu la rogmatay oo la helay!

Reading Time: < 1 minute

Weli waxaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka socda Gurmadka lagu baadi goobayo qaar kamid ah dadkii ay doonta la qalibantay ee Magaalada Baladweyne oo Nolol ama geeri lagu la’yahay.

Saakay ayaa waxaa Wararka aan heleyno ay sheegayaan in agagaarka Shabeelow laga helay meydka mid kamid ah dadkii ay doonta la qalibantay,kaas oo la aqoonsan la’yahay.

Shalay oo Talaado aheyd ayaa waxaa la helay ilaa Shan ruux oo kamid ahaa dadkii la la’aa,waxaana weli guddi loo xilsaaray baadi-goobka dadkaas ay wadaan Shaqadooda.

Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Baladweyne ayaa walwal waxaa uu ka muujiyey fatahaada Wabiga,iyada oo dad badi ay barakaceen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!
WP to LinkedIn Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
error: Sorry Lama ogola in aad daabacatid
%d bloggers like this: