Mechael Keating oo Runta u sheegay Kheeyre”Faraha kala Bax Howlaha Baarlamaanka oo Gudo Waajibkaaga”

Reading Time: < 1 minute

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre,Kulankaan ayaa looga hadlay Xaaladda Ammaan , Siyaasadda iyo Xaaladda Kacsan ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Mechael Keating ayaa R/wasaare Xassan cali Kheeyre  u sheegay in uu faraha kala baxo Arinta Baarlamaanka Soomaaliya,Si aan Dalkaan loo galin Degaanshiyo La’aan siyaasadeed

Wakiilka Q.M u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa  sheegay in ay isla garteen R/wsaare Xassan Cali Kheeyre in uu Dib u Bilaabo Howlaha  uu cuuryaamiyay Ee Dowlada,Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeystay Khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa horay loogu eedeeyay in uu Soomaaliya ka gudbiyo Warbixino aan sax aheyn sidda uu horay u sheegay danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!