Maydka labo gobdhood oo dhalinyaro ah oo lagu soo bandhigay Garowe

Reading Time: < 1 minute

Sida aya sheegayaan wararka ka imaanaya deeganka Puntland ayaa sheegaya in geeriyooday deegaanka Biyo-cadde oo jihada bari ka xiga magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland labo gabdhood oo dhallinyaro ahaa kadib markii ay liqday xurfo biyo fariisin ah oo deegaankaasi ku taala oo ay u dabaal tageen marxuumiintaani sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Taliye kuxigeenka qeybta booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale.

Dhanka kale Booliska Garoowe ayaa xaalay keenay Cisbitaalka guud ee magaalada Garoowe meydka labo gabdhood oo 14 sano jir ah iyo 8 sano jir kala ahaa . Taliska qaybta Booliiska Gobalka Nugaal ayaa horay uga digay waalidiinta inay ubadkooda ka ilaaliyaan khatarta ka dhalan karta dabaasha ay u aadan togaga iyo xurfadaha biyo fariisinka ah ee ku yaala duleedada Garoowe.

Geerida labadani Gabdhood ee ay liqday xirfadda biyo Cadde ayaa todobaad gudihiis ka dhigaysa tiro kor u dhaafaysa illaa 5 ruux oo ku nafwaayay durdurada, ceelasha iyo Xurfadaha u dhaw Garoowe oo inta badan ay u dabaal-tagaan dad u badan dhallinyaro xiisaynaysa Dabaasha iyo dalxiiska.