Maydka Ganacsade caan ka ahaa Beledweyn oo la helay ka dib Doontii uu saarnaa oo degtay

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaaladda magaalada Baladweyne iyo Fatahaadii halkaasi ku dhufatay,iyadoo qaar ka mid ah meydadka dadkii la la’aa la helay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddi loo xilsaaray Baadi goobka dadkii ay doonta la qalibantay shalay ay heleen meydka mid kamid ah dadkii saarnaa doontaas.

Deegaanka Shabeelow ee duleedka Baladweyne ayaa  laga helay Meydka Nin lagu Magacabi Jiray Shariif Xasan  Ganeey kana mid ahaa ganacsatada Magaalada Beledweyne.

Sidoo kale guddiga loo xilsaaray baadi-goobka dadkii ay doonta la rogmatay ayaa weli waxaa ay wadaan Shaqadooda,waxaana mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan ay sheegeen in qaar badan oo doonta saarnaa Nolol ama Geeri lagu la’yahay.

Doonta Shalay barqadii rogmatay ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyooday 10 ruux halka laga soo badbaadiyey mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Duqa degmada Beledweyne Safiye Sheekh Xassan Cali Jimcaale iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!