Mayd laga helay duleedka magaalada Muqadishu

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya deegaanka Sarkuusta oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu arkay Meydka Wiil dhalinyaro ahaa.

Maydka wiilka ayaa la soo dhigay meel banaan ah iyaga oo ay ka muuqato  jir dil iyo dhaawacyo

Dadka deegaanka ayaa tegay goobta lagu arkay Meydka si ay u aqoonsadan,isla markaana waxaa ay sheegeen in qofkaas lagu dilay Xarig welina la aqoosan la’yahay.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay tageen deegaanka Sarkuusta ee Duleedka Magaalada Muqdisho goobtana ay ka qaadeen Meydka Wiilka,kaasi Da’ahaan lagu qiyaasay 25 jir.

Weli lama oga dadkii ka dameeyay dilkaas,waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan inay ka dambeeyeen dilka Wiilka dad aan la aqoonsan waxa ay ahaayeen,kuwaasi oo baxsaday.