Maxuuyahay Ajandaha kulanka Maanta ee labada Gole Ee Barlamaanaka Soomaalia?

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta Yeelanaya Kulankoodii 2aad oo wada jir u dhacaya, kaasi oo ka dhici doonta Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka ayaa ah Meelmarinta Habraaca Ansaxinta Dib-U-Eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee dalka ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan wadajir ah, isla markaana laga doonayo inay soo xaadiran .

Wuxuu noqonayaa kulankan kii Labaad oo ay yeeshaan laba isbuuc dhaxdooda Labada Gole.