Maxuu yahay heshiiska gaarka ah ee Puntland iyo Hir-shabeelle?

Reading Time: < 1 minute

Intii Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sugnaa Magalada Garoowe waxaa uu kulamo mira-dhalay la qaatay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,iyaga oo kala saxiixday dhowr heshiis.

Heshiisyada ayaa waxaa ka mid ahaa in Puntland ay siideyso dad kasoo jeeda deegaanada Hir-Shabeelle oo Maxaabiis ahaan ugu xeran deegaanada Maamulkaasi Puntland si uu u dhexmaro labada maamul iskaashi dhinac walba ah.

Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid ay ku wada hehsiiyeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Hir-Shabeelle,isla markaana uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle.

Waxa uu sidoo kale sheegay Afhayeenka in sidoo kale Madaxweynayaasha ay isla soo qaadeen iskaashi la xiriira Amniga,Federaaliisimka iyo Ganacsiga intaba.

Kulankii fashil ku dhamaaday ee Garoowe ka dhacay ayaa waxaa ay fursad u noqotay maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle oo heshiis dhinacyo badan taabanaya la galay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni