Maxuu yahay Ajandaha Xildhibaanadu Maanta ka Doodayaan!!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 24-ka bisha September 2018, kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah sii wadista dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka Soomaaliya oo soo maray Akhrinta koowaad.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyey in Maanta oo isniin ah inuu jiro kulanka Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana ay ka soo qeyb galaan.

Kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa laga doonayaa inay qabtaan Shaqooyin adag oo horyaalla xildbibaanada sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Diyaar garowga Kulanka Golaha Shacabka ayaa laga dareemayaa Xarunta Golaha,iyada oo amaanka Maanta siweyn loo adkeeyey.