Maxuu kusoo dhamaaday kulan dhex-maray Farmaajo iyo Saraakiisha Ciidamada Imaaraat-ku Tababaray!!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga wuxuu shalay kulan gaar ah kula qaatay ciidamadii ku jiray xerada Jeneral Gordan ee Imaaraadka Carabta ay tababareen.

 

Kulanka, waxaa qayb ka ahaa Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya C/wali Jaamac Maxamed (Gorod), waxaana ciidanka uu Madaxweynaha u sheegay in wixii ka dhacay Xerada Jeneraal Gordan uu aad uga xun yahay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Imaaraadka oo kulankaasi ka qayb galay, ayaa u sheegay Warbaahinta ciidamada Madaxweynaha la kulmay tiradooda inay gaarayeen 270 askari oo 60 ka mid ah ay yihiin ciidamada lugta ah ee Kumaandooska Imaaraadka ay tababareen.

Madaxweynaha wuxuu u sheegay ciidamada inuu aad uga xun yahay wixii ka dhacay xarunta Xerada Jeneral Gordan, xilligana aanan loo baahneyn isku dhac dhexmara ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

 

Kulanka oo ka dhacay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, ayaa Saraakiishii Madaxweynaha uu la kulmay iyo ciidamada, wuxuu u sheegay in laga doonaayo dardargelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan, ayna iska ilaawaan wixii kale.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii dagaal uu xerada Jeneral Gordan ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa Imaaraadka Carabta ay tababareen iyo ciidanka Xoogga dalka Somaliya.