Maxkamadda racfaanka Kenya oo diiday qorshihii iyo damacii MW Uhuru

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Racfaanka Dowladda Kenya ayaa diiday, kuna tilmaantay sharci darro qorshe ay Madaxweyne Uhuru iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalkaasi ay ku doonayeen inay wax uga badalaan Dastuurka Kenya, kaasoo soo jiitamayay sadexdii sano ee lasoo dhaafay.

Hindisahan ay maxkamaddu is-hortaagtay ee BBI ayaa waxaa qodobada ku jiray kamid ahaa in dalka Kenya uu yeesho jagada Ra’iisal Wasaare, inka badan 70 xildhibaan oo cusub iyo qodobo kale.

Si kastaba, go’aanka maxkamadda ayaa muddooyinkii dambe lawada sugayay, iyadoo dad badan oo kiinyaan ah ay aaminsanaayeen in maxkamaddu ku raaci doonto madaxweyne Uhuru iyo ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Raila Odinga in wax laga badalo dastuurka dalka Kenya.