Maxkamadda CQS oo dil toogasho ah ku fulisay rag ku eedeysnaa Shabaabnimo

Reading Time: < 1 minute

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex dhalinyaro ah oo horay uga tirsanaa ururka al-Shabaab kuwaas oo ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho kaddib markii lagu helay in ay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay hoteelka Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho bishii Oktoobar sanadkii 2017-kii.

“Bishii May ee sanadkii la soo dhaafay ee 2018-ka ayay maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay eedaysanayaaaha kala ah Farxaan Maxamed Samatar, Cabdi Naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Max’ed Xaaji Buule, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeysay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28 kii bishii Oktoobar 2017, weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale” ayaa lagu yiri war ka soo baxay maxkamadda.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa 30-kii bishii May eedeysanayaasha ku Xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo.

Maxkamadda ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka bisha July 2019 ku fulisay xukunkii dilka ahaa ee ay maxkamaddu horay u xukuntay.