Maxkamadda Ciidanka oo dhageystay kiiska Darawil song dilay degmada Balcad

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Ciidamada ayaa billaawday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane loo heysto dilka 29 bishii Novembar ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Eedeysanaha oo ah Askari ayaa magacabaaba song Cabdiraxmaan Caddow Ciise , waxaana loo heysta dilka Seylax Cabdulle Axmed oo ahaa darawal gawaarida dadwaynaha, xilli uu waydiiyay lacag baad ah

Ka dib dood dheer waxaa Xeer ilaalinta Ciidanka ay codsadeen in eedeysanaha song fuliyo xukun dil ah, oo ah khisaasta Selax.

Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa dhinacyada u sheegay in Maxkamadda ay Go’aanka kama dambeysta ah kasoo saari doonto kiiskaan.