Maxkamadda Ciidamada Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay laba nin

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Ciidamada ee dowladda Puntland ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay laba nin oo ku eedaysan dilkii Nabaddoon Cabdiqani Xasan Walloore. Abuukar Cabdi Cabdiraxmaan Shiikh Suufi oo da’diisu tahay 52 sano iyo Salaad Maxamed Cabdi oo 28 jir ah ayaa dil toogasho ah lagu xukumay kadib markii ay qirteen dilkii Nabaddoonka.

Labada xukmane ayaa sidoo kale qirtay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab sida ay ku sheegeen muuqaal laga duubay oo ay soo bandhigtay Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland. Marxuum Nabaddoon Cabdiqani Xasan Xuseen Walloore ayaa lagu dilay dibadda masjid ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo xilli uu ka soo baxay salaadda Cishe 16-kii bishii June ee sannadkan 2022.