Maxkamadda Ciidamada oo shaacisay qofkii ka danbeeyay dilkii Shiikh Cali Dhere

Reading Time: 2 minutes

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta daaha ka qaaday  Magaca qofkii ka dambeeyay dilkii 17 May 2021 deegaan hoostega Magaalada Gaallkacyo loogu geystay Marxuun Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug.

Dhanka kale, xeerilaaliye Ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi Saraakiil baarayaal ah oo ka socda Xeer ilaalinta maxkamadda & CID-da loo diray degaanka uu dilka ka dhacay , isla markaana cadeymaha dilka ay ka qoreen dad markhaatiyaal ah.

Sidoo kale Xeerilaaliye Ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in baaritanka kadib dilka Marxuumka uu ku cadaaday in uu ka dambeeyay Dable Cabdixakiin Cabdisalan Aadan oo ka tirsan Ciidanka Saldhiga Booliska Gaalkacayo

Xeerilaaliye Ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in dilka ay ku gacan siiyeen Askariga eedeysanayal kale ah oo lagu kala magacaabo Ina Saciid Cabdi Xidig & Ina Baalbaal, oo dilka kadib u baxsady dhanka degmada Galodogob ee Gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegtay in guddiga barista dacwada ay soo saareen Qodobada hoos ku xusan.

1: In Hay’adaha amniga Maamulada Puntland & Galmudug in ay soo qabtaan eedeysanayaasha sare ku xisan, iyaga oo fulinaya Amarka Maxkamadda Ciidamada.

2: Hadii eedeysanayaasha aysan Maxkamadda hor-imaan ama aan la soo qaban muddo laba Bilood gudahood ah in Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu  u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Galdacwadeedka eedeysanayasha, lana bilaabi doono dhageysiga kiiskooda lana xukumi doono, iyaga oo maqan.

3: In sidoo kale Guddiga ay u soo baxday in Saraakiisha Booliska ee qeybta Gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

17 May 2021, waxaa duleedka magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilay AUN, Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug.