Maxkamadda Ciidamada oo furtay dacwad ka dhan ah koox magaca Al Shabaab dad lacag uga qaadan jiray

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta ay xukun ku riday rag ganacsatada uga qaadi jiray lacag farabadan inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab. Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa loo haystaa in ay dadka baad kaga qaadi jireen magaca Al-Shabaab iyo Afduubka dhowr qof oo ay madax furasho ka qaateen.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanayeen bixinta lacagaha ay Al-Shabaab ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib Codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda Dabayaaqadii August Sanadkan, waxa ayna Maxkamadda aqbashay fadhigii koowaad isla xilligaasi. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo iyaga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!