Maxamed Aadan Maxamed Cali (Gaduudow) ayaa loo soo xeray Dilka Allaha u Naxariistee Marxuum Saciid Xasan Shiiqow 29-kii April ee Sanadkan kadib markii xilli galab ah Bishii Ramadaan ee la soo dhaaftay rasaas uu furay uu ku dhintay Marxuum Saciid Xasan Sheeqow oo afur u soo raadsaday Xerada Agoonta Boliiska Raashin loogu qaybinayay Bulshada kaalmada u Baahan.
25-kii May sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.
Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October.
Qareenka U doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.
Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.
Tani waxay u eg tahay inay muujineyso inay khasab tahay in wax laga qabto dilalka iska fudud oo ay ciidamada ku kacayaan, halkii ay ka adeegsan lahaayeen ulo iyo waxyaabo ka dhib yar ayey xabad toos u adeegsadaan. Laakiin waxaa iyana jirta in dad gaar ahi oo kaliya lagu fuliyo xukunka taas oo iyadana u baahan in rabbi looga cabsado oo dadka loo cadaalad falo.
Askarigaan waxa ka muuqata inay dhici karto laba waxyaabood: a)inuusanba fahamsaneyn goarta qorxiga ama xabaddala isticmaalo Iyo goobta lagu isticmaalo Iyo b) inaan tababar ku filan iyo amar cad oo aan mugdi ku mirin la siin.