Maxkamadda Ciidamad oo maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor)

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Ciidamad qalabka sida qaybta 27aad ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo katirsanaa Ciidamada DFS ee ku sugan Gobolka Gedo kaddib markii uu dilay Marxuum Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle.

Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan waxaa horay loogu xukumay dil toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Sugow Gaarane oo uu ku dhex dilay Saldhigga Booliiska Degmada Luuq ee Gobolka Gedo DG Jubbaland.

Fulinta Xukunka oo ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiil katirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, Ehelka Marxuumka, Maamulka Gobolka Gedo, kan Degmada Luuq & saraakiil kale waxa uu ka dhacay Barxadda Luuq-Ganaane.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybta 27aad ayaa xukun dil ah ku ridday Askar ku eedeysan in ay dileen Dad rayid ah halka qaar kale ay ku fulisay xukunno kala duwan oo ay horay ugu xukuntay.

22kii December 2021, Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qaybta 27aad ayaa  dil toogasho ah ku fulisey Dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo November 2021 Degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah oo kubad ku dheelayay Garoon ku yaalla Degmadaas.