Maxkamadda Sare Dalka ayaa waxay dhawaan bilaabi doontaa dhageysiga dacwad uu u soo gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran, oo uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa 6-dii bishii October dacwadan oo ka dhan ah Hay’adda Socdaalka Hawada Somaliya u gudbiyay Maxkamadda Sare, ka dib markii wafdi uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmed oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed oo xaqiijiyay inay hayaan dacwadda la soo gaarsiiyay ayaa dhanka kale sheegay inay u gudbiyeen ciddii dacwadda laga ahaa, si loo guda galo qaadista dacwadda.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu iftiimiyay in marka dacwad la soo gaarsiiyo ay sharci ahaan la wadaagaan ciddii laga soo gudbiyay, kolka ay ka soo jawaabaana ay guda galaan dhageysiga kiiska dacwadda.
Isagoo wareysi siinayay Laanta afka Somaliga ee VOA ayuu kalsooni ka muujiyay in maalmaha soo socda ay u fariisan doonaan dhageysiga dacwadda laga keenay Hay’adda Socdaalka Hawada.
Baashe Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka ayaa sheegay in dacwadan ay tahay mid sharci ah, diyaarna ay u yihiin in maalmaha soo socda ay dhageysigeeda ka bilaabaan Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in Hay’adda Garsoorka Dalka ay tahay mid madaxbannaan, waxaana uu meesha ka saaray in wax fara-gelin ahi kaga imaan karto dhinaca Golaha Fulinta/Xukuumadda, isla-markaana aanu go’aanka maxkamadda noqon karin mid loo soo yeeriyay.
Waa markii ugu horeysay oo xisbi ku meel gaar ahi (KMG) oo dalka ka jira uu dacwad ka soo gudbiyo mid ka mid ah hay’adaha dalka ka dhisan, waxayna tani ku soo aadaysaa, xilli Villa Somalia uu culeys siyaasadeed ka haysto siyaasiyiinta mucaaradka.