Maxkamada Sare ee Somaliland oo u diyaar garoobaysa dacwadaha doorashooyinka

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay weheliyaan garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare, Sharmaake Yuusuf Faarax agaasimaha Maxkamadaha guur-guura iyo madaxa tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim, ayaa maalintii shalay shir-hawleed ay ka soo qayb galeen 25 xubnood oo iskugu jira guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka, Maxkamadaha gobolada, maxkamadaha gobol-degmooyinka iyo garsoorayaasha Maxkamadaha gobolada kala duwan ee dalka uga furay magaalada Hargeysa

Safarka ayaa ujeedadiisu ahayd in dacwadaha gobolada bariga halkaa lagu qaado, dadkana loo fududeeyo iyagoo deegaanadooda jooga in ay helaan adeegii garsoor, ee ay Maxkamadda Sare u qabanaysay, taasi oo ka baajisay in ay safar dheer ku yimaadaan magaalada Hargeysa oo ay tahay xarunta Maxkamadda Sare, waxa iyaduna aan safarka ka maqnayn qaabilaada cabashooyinka dadweynaha si bulshada deegaanadaasi looga haqab-tiro muraadka ay u leeyihiin Maxkamadda Sare.
Garsoorayaasha safarka u baxay ayaa kala ahaa garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur, garsoore Cabdiqaadir Axmed Maxamuud iyo garsoore Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan oo uu kaalinayo Kaaliye Axmed yaasiin Rashiid Cabdi, waxaanay garsooreyaashu mudadaasi ka soo garnaqeen in ku dhow 25 dacwadood.
Safarkan ayaa ka mid ah, dedaalada ay Maxkamadda Sare ee dalku ugu jirto, fidinta adeega garsoor ee ay bulshada u hayaan, iyadoo sannadkiiba dhawr jeer safaradan oo kale loogu baxo gobolada kala duwan ee dalka.
HW