Maxkamada sare ee Puntland ayaa maanta qaadaysa dacwad maamul oo u dhexeysa madaxweynaha Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka, dacwadaaas oo ka dhalatay magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada.
Dacwadaan ayaa waxaa furay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Eng. Camey, kaasoo aan ku qancin habkii loo maray magacaabidda guddigaan.
Khilaaf xooggan ayaa wali ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, kaasoo ka dhashay Magacaabista Guddiga, waxaana labadda dhinac ay kala Magacaabeen Guddiyo kala duwan.
Labada dhinac ayaa hadda lagu waddaa in ay kala saarto Maxkamadda Sare ee Puntland, waxaana labadda dhinac ay ku qanci doonaan Go’aanka Maxkamadda.