Maxkamada Sare Ee Kenya oo Go’aan kazoo Saartay Murankii Aadan Barre Ducaalle Iyo Faarax Macalin

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay kursgii Gaarisa ee ay ku muransaaayeen Aadan Barre Ducaale iyo Faarax Macallin.

Maxkamadda oo saaka u fariisatay go’aan ka gaarista Kursiga ayaa kursigaas u xalaaleysay Aadan Barre Ducaale iyada oo eedihii Faarax Macallin loo waayay caddeymo ku filan.

Laanta Maxkamadda sare ee Kenya u qaabilsan Milimani,ayaa go’aankan ku dhawaaqday daqiiqado ka hor,waxaana Aadan oo ku faraxsan go’aanka Maxkamadda uu yiiri: “waxaan u hambalyenayaa garsoorayaasha i difaacayay,waxaana sidoo kale u mahad celinayaa dadka Gaarisa oo doortay qofkii ay rabeen,waxaan qirayaa in eedihii la igu soo oogay ay ahaayeen kuwo aan caddeyn heysan”.

Aadan waxaa uu u mahad celiyay  hoggaamiyaha Kooxda qareennada ee difaaceysay C/Naasir Cabdullahi iyo saaxiibada kale ee ka caawiyay in uu kursigiisa u xalaaloobay.

Maxkamadda ayaa Faarax Macallin ku amartay in uu bixiyo 6Milyan oo lacagta Kenya ah taas oo Aadan uga baxday difaaca dacwadda ka dhanka ah isaga.

Doorashadii dhacday 8 August 2017kii ayuu ku guuleystay Aadan Barre oo hadda ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya,waxaana kursigan kula tartamayay Faarax Macallin oo horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya.