Maxkamada Sare Ee Dalka oo Diidan In Sanbaloolshe uu Ka Qeyb Galo Doorasho La Filaayo In Jowhar Ay Ka Dhacdo

Reading Time: < 1 minute

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa shegaya in maxkamadda sare ee dalka ay diiddan tahay doorashada kursi kamid ah golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasi oo lagu wado in maalinta berri ah ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

maxkamadda sare ayaa ku doodeysa in doorashadan aysan u dhici karin Labo arrin dartood oo kala ah:
Guddiga doorashada madaxa banaan oo ay maxkamaddu sheegeyso inaanu xaq u lahayn qabashada doorashadan
Iyo sidoo kale ineysan kursigaasi u tartami karin shaqsiyaad horey ugu soo tartamay sida ku qoran qodobka 59-aad ee Dastuurka.

Guddiga ayaa isna sheegaya in doorashadan ay tahay mid dadban, maxkamadana aanay wax shaqo ah ku lahayn.

Maxkamadda sare ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay soo saarto go’aanno la xiriira doorashada berri ka dhici doonta magaalada Jowhar.
6 musharrax oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Hirshabelle iyo taliyahii hore ee NISA ayaa ku tartamaya doorashada kursigan ka midka ah golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maxkamada sare ee dalka aya ka biyo diidan in ay doorashadaasi uu mar kale u tartamo taliyahii hore ee NISA Sanbaloolshe oo horay xilkaasi ugu soo baxay inta an lo magacaabin xilki Nisa.