Maxkamada Pakistan oo si deysay eedeysane dilay wariye maraykan ah

Reading Time: < 1 minute

Maxakamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa amar ku bixisay in lasiidaayo Axmed Cumar Saciid Sheekh, oo loo haystay dilka wariye Maraykan ah sida uu sheegay qareenka dowladda.

Sadaxda xaakim ee Maxkamadda ayaa labo kamid ah waxa ay diideen eedeemaha loosoo jeediyay ninkan iyagoona intaas kadib amar ku bixiyay in xabsiga laga sii daayo.

Mr Sheekh ayaa ah 47 sano jir haysto dhalashada Britain, isagoona noqday tuhunsanaha ugu wayn ee loo haysto afduub iyo dil sanadkii 2002’dii lagula kacay Daniel Pearl, oo ahaa wariye ka u shaqeenayay warbaahinta Wall Street Journal.