Maxkamada Maraykanka oo diiday dalabka  Soomaali Masiixiyiin sheegta, lana amray in la masaafuriyo

Pirest hand blessing closeup with cross and clergyman background
Reading Time: < 1 minute

Maxkamada Sare ee loo yaqaano  wareegga siddeedaad (8th Circ.) ayaa diiday Arbacadii in ay dib u eegis ku sameeyso codsiga nin Soomaali ah oo uu ku codsaday in la joojiyo  amarka ah  in loo tarxiilo dalka Soomaaliya uu markiisii hore ka yimid.

Ninkaan ayaa ku doodaya in hadii dib loogu celiyo dalka Soomaaliya ay dilayaa dadka Soomaaliyeed maadaama dadka Soomaalida ayan jeclaynin qof sheegta in uu ku biiray diidnta masiixiga.

Garsooraha  maxkamada  ayaa sheegay in kiiska tarxiilka ninkaas uu yahy mid sax ah, dib u eegis kama danbeys ahna  lagu sameeyay.  Maxkamada ayaa ku adkeysatay  go’aankeeda iyada oo sheegaty in  in xitaa haddii markhaatifurka ninkaasi uu keeno ayan waxba ka badali doonin  go’aanka maxkamada.

Maxkamada ayaa ku dooday in in hadii ninkaa loo tarxiilo Soomaaliya uusan la kulmi doonin  jirdil ayanna muuqan sababo  Soomaali u disho ninkaas sababtoo ah  Caqiidada Masiixiga ayuu aaminsan yahay.

Xukun gaaban oo ay soo saareen Arbacadii, saddex garsoore ayaa si wada jir ah u ansixiyay go’aanka Guddiga Socdaalka ee Racfaanka ku diiday codsiga Cabdirisaaq Daahir Jaamac ee dib u dhigista musaafurinta ee hoos timaada Axdiga ka dhanka ah Jirdilka. Maxkamadda laanta socdaalka ayaa xukuntay in sheegashada Jama ay u badan tahay in si gaar ah loo weeraray sababo la xiriira caqiidadiisa Masiixiga, diiwaanka dembiga ka hor iyo maskaxdiisa.