Maxkamada Highbury oo Manta uu Kaso Muuqan Doono Ruux Lo Hesto Dilka Laba Dhalinrayo oo Soomaali Aha

Reading Time: < 1 minute

Nin dhalinyaro ah oo 18 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo ku saabsan labo dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo adeegsaday dilkooda toorey.

Ninkan oo lagu magacaabo Isaiah Popoola oo 18 ah ayaa loo heystaa dilka Cabdiqaadir Xasan oo 17 jir ah iyo Sadiiq Aadan Maxamed oo 20 jir ah, kuwaas oo talaadadii lasoo dhaafay lagu diley gudaha London.

Waxaa sidoo kale ninkan loo heystaa dhaawacyo uu u geystay labo qof oo kale isla habeenkaas uu dhacay falka dilka ah ee lagu dilay wiilasha dhalinyarada soomaalida ahaa.

 Isaiah Popoola ayaa kasoo muuqan doona maxkamadda Highbury xili dambe oo maanta ah.