Maxkamada Hargeeysa oo xukun ku riday nin Diinta Aflagaadeeyay

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun xarig ah ku ridday Maxamuud Jaamac Axmed [Xamdi] oo lagu soo eedeyay inuu Aflagaadeeyay Diinta Islaamka.

Sida Allmareeg.com u xaqiijiyey Garsooraha Maxkmada G/Maroodi-jeex, waxa laba sanadood iyo lix bilood oo xarig ah ay ku xukuntay maxkamadu Maxamuud Jaamac Axmed Xamdi.

Muwaadinkan maanta xukunku ku dhacay ayaa lagu soo eedeyay inuu Warbaahinta internet-ka iyo baraha bulshada ku baahiyay qoraalo uu ku aflagaadeynayo Diinta Islaamka.

Maxamuud Xamdi, ayaa waxa uu kamid ahaa Musharixiintii ka qayb-galay doorashadii 2012-kii ee Golaha deegaanka Hargeysa, isagoo waqtigaasina iska soo sharaxay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.