Maxkamada gobolka Banaadir oo amartay in xabsiga lagusii haayo Wariye Cali-aadan Muumin

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa la soo taagay Wariye Cali Aadan Muumin oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlaga Warbaahinta Goobjoog FM ee Magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa waxaa shalay lagu xiray Xarunta Hay’adda Dambi barista ee CID-da,kadib markii Dacwad ay ka gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Hayeeshee Garsooraha Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Amray in Xabsiga lagu sii hayo Wariye Cali Aadan Muumin ilaa inta uu ka dhamaanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowlada.

Sidoo kale Maxkmadda Gobolka ayaa amar ku bixisay in la sii daayo oo Dib Xoriyadiisa loo siiyo Wariye Cali Aadan Muumin Marka uu dhamaado Imtixaanka dowladda Soomaaliya oo ku Eg 31-da Bisha May 2019.