Maxkamada  Ciidamada Qalabka Sida  oo Xukuno kala Duwan ku riday Rag Shabaabnimo lagu Eedeeyay!!

Reading Time: < 1 minute

Rag ka Tirsan Al-shabaab ayaa maanta  Xukuno kala duwan lagu riday  ka dib Markii Maxkamada Ciidamada qalabka sida  lasoo hor istaajiyay,Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybteeda 6aad ayaa Maanta waxa ay xukuno kala duwan ku riday Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo mid lagu eedeeyey shabaabnimo.

Dadka la xukumay ayaa waxa ay kala yihiin oo gaarayay 3-ruux ayaa la sheegay in lagusoo cadeeyay Dambiga lagusoo eedeeyay, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya qeybteda 6aad Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka.

1:-Dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim ina Faadumo Arabow Xuseen

2:- Isaaq Boorow Cali oo Maqane ah laguna eedeeyey inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab .

iyo Dable Xooga Maxamed Nuur ibraahim Ina Xaliimo ibraahim Cali.

Xabsiyada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaaa la sheegayaa in ay ku jiraan Rag badan oo la tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab