Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Xasan Aadan Isaaq Oo Ku Lug Lahaa Qaraxii Soobe

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Millatariga Soomaaliya ayaa saakay fagaaraha Iskool Buluusiya ee degmada Xamar Jajab waxa ay ku toogatay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu eedeeyay inuu waday gaari NOAH-ah oo ciidamada ammaanka ay ku qabteen xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir, maalinkii uu dhacay qaraxii Zoobe, 14-kii October 2017.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ninkan horey ugu xukuntay xukun dil toogasho ah, waxaana xukunkiisa fulinta uu dhacay maanta oo Axad ah sanad kadib markii qaraxaasi uu dhacay.

xeer ilaliye kuxigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Kabtan Muumin Xuseen C/laahi oo dilka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukunka uu u dhacay sidii loogu tala galay.

Waa xukunkii ugu horeeyay ee dil toogasho oo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ay fuliso tan iyo markii uu talada dalka uu la wareegay madaxweyne Farmaajo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!